Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax xooggan ayaa Goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga dhacay dhabarka danbe ee xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan ee dhimashada iyo dhaawaca, laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxaa jira dhaawacyo badan, waxaana goobta gaaray gawaarida Ambulance-ka oo halkaasi kasoo qaadaya dhaawacyada.

Halka uu qaraxa ka dhacay ee naftii haligaha uu isku qarxiyay ayaa ah halkii sanadkii hore 2023-ka ay dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka galeen markii ay weerarayeen xarunta gobolka Banaadir.