Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Itoobiya.
Warkan oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada ra’iisul wasaare ku-xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo.
Shir ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis baba oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kasoo qayb galay axsaabta siyaasadeed oo ay Soomaaliduba kamid yihiin.
Inta shirku uu socday waxaa mas’uuliyiin badan oo shirka kasoo qayb galay ay su’aalo ku weydiinayeen ra’iisul wasaaraha, iyadoo Soomaalidu ay qayb ka ahayd, waxana qaarkood ay weydiiyeen saamiga siyaasadeed ee Itoobiya ay ku leeyihiin Soomaalida degta dowlad deegaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa gunaanadka shirka waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Aadan Faarax uu u magacaabay kuxeenkiisa.