AS oo weerar ku qaaday janaale.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Janaale.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay.

Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada ATMIS iyo Al-Shabaab, waxaase goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda wuxuu ahaa mid Buulo-mareer oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.