Madaxweyne Muuse Biixi ” Duulaan kumanihin deegaanada puntland”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markale ka hadlaayay dagaalka degaanka Tukaraq  ee gobolka Sool ayaa sheegay in maamulkiisa aysan duulaan ku aheyn Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Somaliland ay dooneyso in nabad lagu dhameeyo Khilaafka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Somaliland ay gaarto xuduudeeda rasmiga ah ee uu sameeyay Gumeystihii Ingariiska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay daneynayaan in dadka kunool Somaliland iyo Soomaaliya ay nabad ku wadda noolaadaan.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa hawadda isku mariyay Hanjabaado saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii dagaal culus oo ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.