Soomaaliya oo qeyb ka ah shirweynaha Midowga Africa ee Bacriminta Beeraha.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku sugan dalka Kenya ayaa ka qayb galay shirweyne uu soo qaban-qaabiyay Midowga Africa oo ka dhacay xarunta Kenya ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu lafa guray kobcinta wax soo saarka dalaga beeraha Afrika iyo horumarintiisa.

Shirkan intii uu socday waxaa si qota dheer loogaga hadlay muhiimada ay leedahay sidii ay beeralayda qaaradda Afrika u heli lahaayeen khuburo kharash jaban oo tayo leh, kuna xeeldheer ilaalinta caafimaadka carrada ama ciidda.

Sidoo kale waxaa labada wasiir ku weheliyay ka qayb-galka shirkan, Danjiraha JFS ee Midowga Africa iyo Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, waxaana Dawladda Soomaaliya ay madasha kusoo bandhigtay guulaha ay ka gaartay horumarinta wax-soo saarka iyo dalaga beeraha.

Wafdigaan ayaa qeyb waxa ay ka yihiin wafdi ka kooban Gole Wasiirro iyo Xubno ka tirsan labada Aqal kuwaas oo la socday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo booqasho ku jooga dalka.