Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa goordhow isugu yimid kulan aan caadi aheyn, kaasi oo ku saabsan wax-ka-bedelka dastuurka.
Mudaneyaasha golaha ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka dowlad-goboleedkaas, kaasi oo loogu gogol xaarayo damaca madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.