Ciidmada dowlada ee kusugan gobolka galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Labo gaari oo shidaal u waday kooxda AS.
Warkasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in gawaaridaan ciidamadu ku dhigeen gacanta Sidoo kalana ay toogasho ku dileen xubin katirsan AS.
Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay dhagar qabe ka tirsan Argagixisada kaas oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey, Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qoray AK-47 ah.
Dhinaca kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey, saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar Argagaxisada u socday ayna gacanta ku dhigeen.