Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir  Feysal Caraale Afrax ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Ujeedka booqashadan ayaa ahaa mid ay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ugu kuurgalayeen xaaladda dhabta ee ka jirta Xabsiga dhexe iyo sidii ay ugu jawaabi lahaayeen baahiya kala duwan ee taagan.

Sidoo kae, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Maxamed Xuseen (Sabtoow), ayaa warbixin kooban oo uu sheegay ku tilmaamay in baahiyaha Xabsiga ka jira ay kamid yihiin, dhismaha Xabsiga oo ah mid qadiimi ah islamarkaana uu u bahaan yahay dayactir balaaran, agabya lagu maareeyo Nadaafada xabsiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka jawaabi doono baahiyaha kajira Xabsiga maadaama ay ku xiran yihiin in ku dhow Laba Kun oo Maxaabiis ah.