Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna isku-duwaha gargaarka bani’aadannimo ee dalka George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah oo dhinacyadu ku gorfeeyaan xaaladaha bani’aadannimo ee wadanka.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo fulin lahaa mashaaricyo bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed, in mashaaricyadan qaar kamid ah laga fuliyo goobihii ay sameeyeen daadadkii sanadkii hore ee 2023 ka dhacay maamulada Jubbaland qaasatan gobolka Gedo iyo deegaannada Hirshabeelle iyo in sare loo qaado wada shaqeynta ka dhexeysa labada xafiis.
Sidoo kale inta kulanka socday ayey dhinacyadu isla qaateen in si wadajir ah loo abuuro hannaan leesku waafajin karo dhaqaalaha ay iska soo uruuriyaan bulshada Soomaaliyeed iyo kan dunida ugu deeqdo goobaha musiibadu ku habsato, iyo in si wadajir ah loogu diyaar garoobo ka hortagga iyo ka jawaabista Abaarta lasaadaalinayo inay ku dhufato qaybo dalkeenna kamid ah.