Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo uu ka wado dadaallo lagu dardar-gelinayo dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Maanta, Janeraalka ayaa booqday saldhigyada ku yaalla deegaanka Garsaalo oo hoos yimaada degmada Jowhar, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada ku sugan goobta iyo saraakiisha hogaamineysa.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, waxaa Taliyaha si diirran ugu soo dhaweeyey saraakiisha Guutooyinka 3-aad iyo 25-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulammo uu la yeeshay ciidamada iyo saraakiisha, Janeraal Sahal wuxuu ku boorriyay inay xoojiyaan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dagaalka socdaa uu muhiim u yahay nabad ku soo celinta dalka iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah ololaha ballaaran ee Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku suuliso Khawaarijta iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda iyo deggenaanshaha dalka. Waxaa sidoo kale la filayaa in talaabooyinka noocan ah ay sare u qaadaan dhiirrigelinta iyo isku duubnida ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.