Hawl-wadeeno ka tirsan Waaxda Baarista Waxqabadka ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi tababar heer sare ah oo diiradda lagu saaray tayeynta habraacyada baarista waxqabadka, ururinta caddeymaha muhiimka ah, iyo qorista warbixinno wax-ku-ool ah.
Tababarkan oo qeyb ka ah yoolasha istaraatiijiyadeed ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo isla xisaabtan dhab ah iyo kor u qaadidda adeegyada dowladdu u hayso bulshada. Waxa uu si gaar ah u taabanayaa:
Yoolka 1aad: Dijitaaleynta iyo horumarinta hannaan baariseed oo casri ah, si loo gaaro baarisyo habboon, waqtiyeysan, lehna tayo sare.
Yoolka 4aad: Howlgelinta kaadiriin aqoon iyo xirfad sare leh, si loo dhiso hay’ad firfircoon oo loo dhan yahay, sameysana horumar joogto ah.
Tababarka waxaa fududeeyay Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden, oo ka mid ah bahwadaagta istaraatiijiga ah ee si joogto ah uga taageera xafiiska horumarinta karaanka shaqaalaha.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu sii wadi doonaa dadaallada lagu kobcinayo kartida shaqaalaha iyo dhismaha nidaamyo hufan, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan miro-dhal ah, loogana shaqeeyo ilaalinta hantida dadweynaha.


