5 Ruux Oo Ku Geeriyootay Gaari Lagu Rasaaseeyay Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu dilay dad Shacab ah kaas oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay gaari ku rasaaseeyeen kaas oo ku safrayay wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa waxa aya warbaahinta  u sheegeen in Gaari uu socday degmada Hobyo ee gobolka Mudug,waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay 5 ruux oo gaariga saarnaa.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegtay dilka xalay ka dhacay wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Hobyo kadib markii gaari lagu rasaaseeyey,waxana horay u jirtay in maleeshiyo beeleed horay wadadaas gawaarida ugu rasaaseyn jireen.

Dhacdadaas ayaa ku soo aadayaa xilli xalay deegaan duleedka ka ah Magalada Gaalkacyo uu ka dhacay deegaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato,kaas oo ka dhashay khasaaro dhaawac ah.