Ciidamada ammaanka ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo kooxda Daacish. Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabtaa ee labada dhinac kala gaaray, balse saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay guulo muhiim ah ka gaareen hawlgalkaas, ayna la wareegeen deegaanno ay hore u maamulayeen dagaalyahannada kooxdaasi.
Dhanka kale, warar kale oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in diyaarado ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay duqeymo ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari, iyadoo la sheegay in bartilmaameedku ahaa goobaha ay Daacish ku dhuumaaleysanayeen.
Sidoo kale, ciidanka ammaanka Puntland ayaa la sheegay in ay xireen dad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish. Lama shaacin tirada, magacyada ama goobaha si rasmi ah lagu qabtay dadkaasi, maadaama baaritaanno ay socdaan