Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐀𝐝𝐨𝐰, ayaa maanta kulan dhaxal-gal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, 𝐀𝐦𝐛. 𝐉𝐢𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥. Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada caafimaadka, horumarinta mihnadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed, iyo adkeynta wada shaqeynta u dhaxeysa NHPC iyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo adkeeyay 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚 ay ka qaadato u adeegidda 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐬𝐮𝐠𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚, 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐰𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐮𝐦𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐢𝐡𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚. Safaaraddu waxay si joogto ah u fududeysa arrimaha ardayda, la-talinta, ilaalinta xuquuqdooda, iyo xiriirinta fursadaha waxbarasho iyo horumarineed ee ay u baahan yihiin.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeyn dhow oo u dhaxeysa 𝐍𝐇𝐏𝐂 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚, si ardayda iyo mihnadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan ay u helaan taageero dhammaystiran, una noqdaan cudud aqooneed oo ka qeyb qaadata horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.
Ugu dambeyn, 𝐗𝐨𝐠𝐡𝐚𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐍𝐇𝐏𝐂, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐝𝐨𝐰, ayaa uga mahadceliyay Safiirka dadaalka muuqda ee Safaaradda ay ugu adeegto muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda mihnadlayaasha caafimaadka, halka 𝐀𝐦𝐛,𝐉𝐢𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 uu si weyn u bogaadiyay kaalinta NHPC ee nidaaminta, tayeynta, iyo horumarinta mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka.