Dowladaha Turkiga, Sacuudiga, Baxrayn iyo kuwo kale waxay soo saareen Qoraallo ay ku cambaaraynayaan qaraxyadaasi, waxayna sheegeen inay DFS la garab taagan yihiin sidii wax looga qaban rabshadaha iyo qaraxyadda ka dhaca Somalia.
Bayaan ka soo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda ee dalalkaasi waxa uu mid kasta si gaar ah u cambaareeyey Qaraxyadaasi sababay dhimashada, dhaawaca iyo burburka.
Waxay si isku mid ah Tacsi ugu direen Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi, waxay sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi.
Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM u jooga Somalia, Nicholas Hayson waxa uu cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay magaalladda Muqdisho, oo ay ugu yaraan 15 qof ku geeriyooday, 40-meeyo kalena ku dhaawacmeen.