Taliye Lagu Dilay Muqdisho

Sidda uu xaqiijiyay Xoghayaha degmada Wartanabadda Cali Aadan taliyihii Ciidanka Booliska degmada Wartanabadda ayaa lagu dilay Agagaarka Saldhigga degmada.

Taliyaha ayaa lagu Magacabaa Macalin Aadan, waxaana uu ka mid ahaa kuwa ugu firficoon Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xilliga la dilaayay ayaa la sheegay in aysan la socon wax Ciidan ah, islamarkaana uu watay gaari nooca raaxadda ah.