Guddiga doorashooyinka Oo Soo bandhigay Shuruudaha Musharixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland

Guddiga doorashada Maamulka Puntland ayaa dhawaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulkaasi kusoo bandhigay sharuudaha musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi u tartamaya.

Musharixiinta ayaa waxaa maalinta Isniinta ina soo aadan ay khudbado ka hor jeedin doonaan golaha baarlamaanka Puntland hortooda, waxaana la siiyay muddo 15 daqiiqo ah oo ay kusoo bandhigaan qorshe siyaasadeedkooda.

Doorashada maamulka Puntland oo aad indhaha loogu hayo ayaa loo madalsanyahay in ay dhacdo 8’da bishaan.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka doorashada Puntland:

Â