Shirar Gooni Gooni ah Oo Ka Socda Garowe

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Puntland ayaa ka socda Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Guddigii dowladda Soomaaliya ay u dirtay Magaalada Garowe ee Wasiiradda ahaa ayaa kulamo kala duwan leh Waxgaradka iyo Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa sidoo kale la kulmay xalay Waxgaradka degaanada maamulka Puntland,kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe.