Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay doorka xukuumada uu soo dhisi doono ay ku yeelan doonaan Haweenka.
Waxa uu sheegay in door fiican ay ka ku yeelan doonaan golahiisa wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabi doono, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in rabitaanka Shacabka Puntland uu ku saleen doono xubnaha wasiirada ee uuu soo magacaabi doono.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ay ku jiraan aqoonyahano, dhalinyaro, gabdhuna ay door macquul ah oo muuqda ka qaadan doonaan.
Doorka Haweenka ay ku leeyihiin siyaasada Puntland ayaa ah mid aad u liita madama xitaa Baarlamaanka cusub ee maamulkaasi ay ku jirto kaliya hal Haween, waana sababta dhalisay in la is weydiiyo qoondada ay Haweenku ku yeelan doonaan xukuumada uu dhisi doono Madaxweyne Deni.