Dowlada Kenya Oo Sheegtay in Al-Shabaab oo burburiyay anteenooyin Isgaarsiineed

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

anteenooyin  ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa

Waxaa uu  sheegay anteenooyin  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta degaankaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.