Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasoo taageero dhaqaalle siiya Al-Shabaab.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay wax cad oo aan qarsooneyn in Al-Shabaab goobkaste oo furan ay ka qaataan dhaqaallo joogto ah,islamarkaana ganacsatadda ay lacagtaasi u bixiyaan si ay u badbaadiyaan Naftooda.
Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga looga fadhiyo in ay wax ka qabato dhaqaallaha ay la siiyo Al-Shabaab ee kasoo gala dhanka ganacsatadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale Wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa Golaha wasiirada ku eedeeyay inay ka gaabiyeen ansixinta gudiga Tayo-dhowrka badeecadaha Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga, islamarkaana Muddo bilooyinka ah uu yaalla Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.