Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Koox dhalinyaro ah oo loo qorayay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan ka dib howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Booliska waxa ay sheegeen in dhalinyaradda la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, islamarkaana ay ku howlanaayeen abaabul ay doonaayeen in ay ku biiraan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in laga soo qabtay dhalinyaradaan degaano badan oo ay qeyb ka yihiin gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Sidda uu sheegay taliyaha Ciidanka Booliska dhalinyaradda la qabtay ayaa ah kuwo waxbartay, islamarkaan ay heysatay shaqo la’aan sanadyadii ugu dambeeyay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ku raadjooggaan xubno la aaminsan yahay in ay qaabilsan yihiin qorista dhalinyaradda ku biireysa Al-Shabaab.