Mootadda loo yaqaano Fekon Oo laga Mamnuucay Muqdisho

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay bilaabay howlgal Ballaaran oo Magaalada Muqdisho looga aruurinaayo Mootooyinka ay waddaan dhalinyaradda ee lagu Magacaabo Fekon.

Saldhigyadda degmooyinka ayaa lagu soo aruuriyay boqolaal ka mid ah Mootada labadda Lugood leh , waxaana saldhigyadda hortuman dhalinyaro badan.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Mootooyinka lagu Magacaabo Fekon ayaa Warbaahinta  u sheegay in Mootooyinkooda lagu soo aruuriyay Amar kasoo baxay taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Ciidanka ayaa sidoo kale qaar ka mid ah Geerishyadda Muqdisho kasoo bixiyay Mootooyinkaan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in looga shakisan yahay in ay qeyb ka  yihiin Amnidarada Muqdisho.