Banaanbax ka socda Xarunta Shirka Shidaalka Soomaaliya Looga hadlayo

Banaanbax looga soo horjeedo Shirka lagu suuqgeynaayo Shidaalka Soomaaliya ee goor dhow ka furmay Magaalada London ayaa ka socda Iridda Hore ee xarunta lagu shiraayo.

Dad Soomaaliyeed oo kala yimid dalalka Yurub ayaa buux dhaafiyay halka uu shirku ka socdo, waxaana ay sheegayaan in ay si weyn uga soo horjeeddaan in la beeciyo Kheyraadka Soomaaliya xilli aysan jirin dowlad xooggan.

Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Qorsha lagu suuqgeynaayo  ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan.

Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.