Madaxweynaha Saomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub ee dalalka India iyo Nigeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya.

Mudane Rahul Chabbra oo ah Danjiraha dalka India usoo magcaabeen Soomaaliya ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada howshiisa diblumaasiyadeed, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India.

Sidookale danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya Mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu kaga waday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka, isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria.