Warar dheeraad ah ayaa kasoobaxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eegtay degmada Baardheere ee GobolkaGedo.
Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Bartmaha degmada Baardheere,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas farabadan.
Dad ku sugan Baardheere ayaa warbaahinta u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya,hayeeshee ay dadka u diidayaan in ay tagaan goobta uu qaraxa ka dhacay.
Goobaha Ganacsi ee ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu burbur kasoo gaaray,iyada oo sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere.
Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan in jawiga uu yahay mid degan,islamarkaana isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ay sidii hore kusoo laabteen,kadib markii ay hakad galeen xilligii qaraxa uu dhacay.