Ciidamada Amaanka Garowe Oo Gacanta Ku Soo dhigay Rag Midiyo Kuhubeysan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe Caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan Taliska Booliiska gobolka Nugaal ay maanta soo bandhigeen ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe.