Madaxweynaha Sudaan Cumar Xasan Al-Bashiir Oo kalana diray xukuumadiisii

Cumar Xasan Al-Bashiir oo ah Hoggaamiyaha dalka suudaan ayaa kala diray Golaha xukuumadiisa,isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay Xukun deg deg ah, kadib Go’aan rasmi ah oo uu gaaray.

Mr Bashiir ayaa sidoo kale waxa uu xilalkii ka xayuubiyay Guddoomiyeyaasha Gobolada,kadib khudbad uu ka jeediyay taleefishinka Qaranka suudaan,waxana uu durba Xubno ka tirsan laamaha amniga uu u magacaabay inay guddoomiyeyaal noqdaan.

Goor sii horeysay ayaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka dalka Suudaan ee loo soo gaabiyo(NISS) waxa ay sheegtay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu xilka baneyn doono,taas oo keentay in uu go’aan deg deg ah qaato.

Mudo todobaadyo ah ayaa dalka suudaan waxaa ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo Xukuumadda Al-Bashiir,kuwaas oo isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee dalkaas,hayeeshee Ciidamada Booliska dalkaas ayaa banaanbaxayaasha u adeegsaday Sunta dadka ka ilmaysiisa,iyaga oo kala eryay.