Taliska Booliska Gobolka Nugaal Puntland ayaa amaro deg deg ah oo dhanka amniga ah kasoo saaray Magaaladaas oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.
Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in marnaba kooxo burcad ah ay ka abuurmaan Magalada Garoowe,isla markaana dadka Shacabka ah dhibaateeyaan.
Digniin ayuu u diray Dadka mararka qaarkood u doodaya kooxaha Burcada ah ee howlgallada lagu soo qabto,waxana uu sheegay in cid alaala cidii lagu qabto falal amnidaro sharciga la horgeyn doono.
Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal lidi ku ah amniga,sida dilal qorsheysan iyo dhalinyaro dadka Shacabka ah dhac u geysta.