Madaxweynaha Galmudug Oo Kulamo laleh Waxgaradka Galinsoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo safar dhulka ah saaka uga ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray Magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha ayaa inta uu safarkiisa ku guda jiray waxaa uu maray Magaalooyinka Dagaari,sadex Higlo iyo Bandiiradleey waxaa uuna u kuurgalay xaalada bulshada ku dhaqan deegaanadaasi uu soo maray

Waxa uu booqday xarun cusub oo loo dhisay Maamulka Bandiiiradleey iyo Isbitaalka guud ee Bandiiradleey waxa uuna mid mid u wareystay Madaxweynuhu dadkii bukaanka ahaa ee xaaladooda lagu dabiibayay Isbitaalka.

Waxa uu u sheegay in ceelal iyo Barkado waaweyn laga dhisi doono Galinsoor iyo deegaanada u dhaw dhaw sidoo kale loo keeni Matooro loo isticmaalo Korontada Magaalada waxaana uu Madaxweynuhu kusoo gaban gabeeyay warkiisa in Magaalda Galinsoor la dhigi doono dib u hishiisiin