Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta oo arbaco ah dagaal xoogan uu deegaano ka tirsan gobolka Gedo uu ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya weerar qaraxyo ku bilaawday ay Al-Shabaab kula beegsadeen wadada xiriirisa deegaanada Faxfax dhuun iyo Girileey ee Gobolka Gedo.
Dad ku sugan Gobolka Gedo ayaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in dagaal culus uu dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab kaas oo geystay khasaaro labada dhinac ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaanan noo suurtagelin,hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkas ay ku dileen Saddex ka mid ah Askarta Kenya,sidoo kalena ay gubeey mid ka mid ah Gaadiidka ciidamada Kenya.