Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey ka hor inta aysan kulmin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya.
Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa dacwaddaan u gudbiyay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay taasoo uu ku beeniyay sheegashada Dowladda Kenya ay sheeganayso inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada Dowladood ku muransan yihiin.
“Marna dowladda Soomaaliya kama suuroowdo inay iibiso ama xaraashto dhul-badeed aysan lahayn, Waxayna dowladda Somalia sugeysaa natiijada kasoo baxda Dacwada hor-taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, taasoo lagu wado inay go’aan ka gaarto sanadka soo socda ee 2020-ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan.