Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac deegaan u dhow degmada Balcad oo lagu Magacaabo Jiirada Cali-Yaale kaas oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad.
Gaariga oo ahaa Nooca xamuulka qaada ayaa sida goobjoogayal ay sheegeen waxa uu waday dhuxuk,waxaan uu ka yimid deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dhuxushaas loo soo waday dhinaca Magalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyey ilaa laba ruux ayaa shilkaasi gaari ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,waxaana sawirro laga soo qaaday la arkayay mid ka mid ah qofka dhintay oo uu dusha ka saaran yahay gaariga rogmaday.
Dad ka agdhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa gurmad u sameeyey dadkii ku dhaawacmay  shilkaasi gaari, iyada oo dhaawaca loo soo qaaday  mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magalada Muqdisho.
Wadada isku-xirta Magalada Muqdisho iyo degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka muuqda burbur xoogan,waxaana dhawaan dhagax-dhigay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre si dayactir loogu sameeyo.