Wararka ay warbaahintu ka heleyso Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan Gobolkaas ay fariisin cusub ka sameysteen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay Maanta fariisin ka sameysteen deegaanka Yube ee gobolka Sanaag, waxaana dad halkaasi ku sugan ay sheegeen in ciidankaas ay wataan ku dhowaad 40 Gaadiidka dagaalka ah.
Degaanka Maanta ay ciidamada Soomaaliland fariisinka ka sameysteen ayaa waxaa Sabtidiii todobaadkaan booqasho ku tagay Taliyaha Saddexaad ee Ciidanka Soomaaliland,isla markaana Maanta oo Isniin ah Ciidamo cusub la geeyey.
Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa horay uga taagneyd xiisad u dhaxeysay maamulka Puntland iyo Soomaaliland oo dhowr mar ku dagaalamay Gobolka Sool, waxaana ciidamadan cusub ee fariisinka ka sameysatay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag walaac ka muujiyey dadka deegaanka.