Duqa Muqdisho ayaa shacabka Degmada Waaberi u balan qaaday in dib loo soo celinaayo Suuqii Cali Boolaay ee Degmada Waaberi oo shaqsiyaad guryo gaar ah ay ka dhisteen.
Guddoomiye Yariisow oo qaar ka mid ah Shacabka degmada Waabari la hadlaayay ayaa sheegay in horay ay usoo celiyeen Waaxdii October ee degmada, islamarkaana dhawaan ay dhismo ku bilaabi doonaan.
Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay soo celiyaan dhammaan Hantidii danta ee Shaqsiyaad gaar ah ay gacanta ku hayaan.
Gudoomiye Yariisow ayaa horay ugu fashilmay Ballanqaadyo badan uu sameeyay oo qaarkood ay ahaayeen in soo celin doono jardiinmooyinkii Muqdisho oo ay dhisteen shaqsiyaad gaar ah.