Kooxo hueysan ayaa xalay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Shacab, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan, waxaana kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka kaga dhufteen Nin marayay agagaarka Jaamacadda Gaheyr.
Weli lama oga waxa uu ahaa Ruuxa xalay lagu dilay degmada Hodan iyo cida ka dambeysay dilkiisa, hayeeshee waxa uu ka mid yahay dilalka inta badan ka dhaca degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyey howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas wallow ilaa iyo hadda aysan shaacin inay dad ku qabteen.