Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, Iyaga oo u diidaya inay isticmaalan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda.
Wadooyinka ay Ciidamada Xireen ayaa waxaa ka mid ah inta badan Isgoysyadda Muqdisho,isla markaana Gaadiidka dadka Shacab ah ay wataan loo diidayo inay isticmaalaan, taas oo keentay in Shacabka ay lugeeyaan.
Sababaha wadooyinka qaar ee Muqdisho maanta loo xiray ayaa lagu sheegay in saacadaha soo socda la filayo in Magalada Muqdisho uu yimaado Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Xirnaanshaha wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato ku qaba dadka Shacabka ah oo xilliyada Shaqada ama goobaha Waxbarashada ay ku wajahan yihiin wadooyinka laga xiro,isla markaana ay ku qasabto inay lugeeyaan.