Dowlada Somaaliya Oo Sheegtay in Ay qabteen Sargaal Katirsan Al-Shabaab

Sida lagu daabacay Warbaahinta Dowladda Howlgal aad loo qorsheeyay ayaa  Ciidamada amniga Soomaaliya ay fuliyeen 19kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee Bariire.

Hawlgalkaan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale la sheegay in Sarkaalka la qabtay uu Bariire ka fulin jiray Xukumada dilalka ah oo ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo laamaha kale ee Hay’adaha amniga weli masoo bandhigin Sawirka mana shaacin Magaca Shaqsiga howlgalka lagu soo qabtay.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee ah qabashada Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee Bariire Gobolka Shabeellaha Hoose.