Madxweyne Waare Oo Ku baaqay in la joojiyo Colaada kataagan Dee gaano katirsan G/ Shabeelaha dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay dagaal beeleedka dhawaan ka dhacay Tuulada Buurdheere oo hoostagta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Waare oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa sheegay in Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaraya labada beelood ee walaalaha ah,waxana uu ka dalbaday inay si deg deg ah u joojiyaan.

Dadkii ku dhintay ayaa uga tacsiyadeeyey eheladooda,waxana uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka wada dagaalamaya ay wada hadlaan,isaga oo nasiibdarro ku tilmaamay dagaaladaas oo ah kuwo soo laab laabtay.

Tuulada Buurdheere oo hoostagta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maalma ka hor waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed,waxana baaqyo kala duwan kasoo saaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle.