Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay xaalada guud ee amni ee deegaanadii ay kasoo baxeen ciidamada ka cabanayay mushaar la’aanta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Guudlawe Xuseen ayaa sheegay in deegaanadii ay ciidamada kasoo baxeen ay weli joogaan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo horay mushaar loo siiyey.
Waxa uu sheegay in dhamaan deegaanada ay ka baxeen ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin Maamulada deegaanadaas,isla markaana aysan ka jirin wax khalqal amni ah oo howshii maamulada ay socdaan.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay inay siwadajir ah amniga u xaqiijinayaan,isla markaana bulshada iyo maamulka aysan dareemin wax amnidarro ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay soo baneeyeen inta badan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe,kuwaas oo sheegay in aysan mudo 4 Bilood ah mushaar qaadan, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xalintooda.