Kulanka Guddiga joogtada oo furmay Iyo qodobo laga Soo Saaray

Waxaa Goordhow si rasmi ah u furmay kulanka 1-aad kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ah muddeynta furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka guddiga joogtada waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana Guddiga ay  shaacin doonaan waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kulanka Golaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo munaasabada lagu daahfurayo kal-fadhiga 5aad ee golaha Shacabka, hayeeshee waxaa la ogeyn in siwadajir ah loo furi doono kulamada labada Aqal xilli khilaaf uu ka dhex jiro.

Sanadkii hore ee 2018 ayaa waxaa si kala gooni gooni ah u furmay kulamada labada Aqal kadib markii Xildhibaanada Aqal Sare ay kasoo horjeesteen in hal Munaasabad lagu wada furo kulamada labada Aqal, hayeeshee lama oga waxa sanadkaan isbedeli kara.