Kulan looga hadlayo Amaanka Caaasimada Oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlaayay Adkeynta Ammaanka Caasimadda ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaan ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsuggida Qaranka.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa weeraro iyo Qaraxyo Al-Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ahna Taliye kuxieenka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa maanta ka soo muuqday kulankaasi oo looga hadlaayay Ammaanka.

Waxaa sidoo kale kulanka ku sugnaa taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed, kulankaan oo aan loo ogeyn Warbaahinta ayaa ilo ku sugan Madaxtooyadda ay xaqiijiyeen in si adag loo Canaantay Hay’addaha Ammaanka gobolka Banaadir.