Koox hubeysan ayaa wali ka dagaallamaya gudaha Xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda ee Muqdisho.
Ciidanka sidda gaarka ah u tababar ayaa Kooxda hubeysan kula dagaallamaya Gudaha Wasaaradda,waxaana la sheegay in ku dhawaad 4 dagaallame oo Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen Wasaaradda.
Khasaare Ballaaran ayaa ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo Burbur Hantiyadeed.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadda iyo weerarka, waxaana ay sheegeen in ay guud ahaan la wareegeen xarunta Wasaaradda.