Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhig Al shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig ay leeyihiin Shabaab waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Ururka ayaa sheegtay in duqeyntaasi aysan ka dhalan wax Khasaare ah, islamarkaana Ciidanka Al-Shabaab ay ka hortageen.
Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab, ee Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.