Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Goordan iyo Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo xog wareysi ah la yeeshay saraakiisha ugu sarreeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xeryaha uu booqday.
Isaga oo hadal u jeedinayay boqolaal ka mid ah Ciidamadii uu booqday ayuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii bil walba ay Ciidamada dowladda u heli lahaayeen mushaarkooda.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa saraakiisha iyo Ciidamada intaba ku wargeliyey inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Hoos kadhegeyso codka madaxweynaha