Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa booqasho ku yimid shalay gelinkii hore Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud,iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.
Soo dhaweyn kadib kulamo horudhac ah ayuu la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,kaas oo looga hadlayay dhameynta khilaafka dowladda iyo Maamulka Galmudug.
Xalay ayaa markale mas’uuliyiinta ay ku wada kulmeen Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb,waxaana kulankooda uu qaatay in ka badan 7 Saacadood.
Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka intiisa badan looga hadlay waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay dowladda iyo Madaxda Galmudug isku khilaafsan yihiin,waxaana madaxda la sheegay in kulankooda ay isku mari waayeen.
Kulamadooda kadib ayaa la filayay in ay siwadajir ah Warbaahinta ula hadlaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, hayeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha uu soo geba-gabeyey safarkiisii Dhuusamareeb, kana soo duulay Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalda Dhuusamareeb.
Ilaa iyo hadda lama oga go’aanada rasmiga ah ee labada dhinac isku-afgarteen oo aan Warbaahinta loo soo bandhigin,balse warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Galmudug ay shuruudo adag hor-dhigeen Wasiirka,isla markaana uu la wadaagi doono Madaxda Dowladda Soomaaliya.