Inta la xaqiijiyey ilaa 15 ruux ayaa geeriyootay in ka badana waa ay ku dhaawacmeen,kadib markii uu shil ku galay gaari nooca xamuulka qaadah inta u dhaxeysa Magalada Nairobi iyo deegaanka Matuu ee kowntiga Machakos.
Dadka dhintay ayaa isugu jira Rag iyo Dumar,waxaana gaariga uu ku wajahnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya, Sida uu Warbaahinta u sheegay taliyaha Ciidanka booliska Kenya Joseph Karanja.
Dad badan oo ka mid ahaa rakaabka Gaariga ayaa  ku dhaawacmay shilka,kuwaas  oo loo qaaday isbitaalka Matuu Level Four Hospital.
Gaariga shilka galay ayaa waxaa leh Shirkad lagu Magacaabo Madina Sacco,waxaana uu ka dhex Shaqeyn jirey wadada u dhaxeysa Caasimadda Nairobi iyo magaalada xuduudka ku taal ee Mandheera.