Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda somaaliya oo manta daah furay Shir Looga Hadlaayay Dhismaha Dowladaha Hoose

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda  Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Maanta muqdisho ka Furay Kulan Looga Hadlayay Dhismaha Dowladaha Hoose iyo Golaha Deegaanka.

kulankan oo uu shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS ayaa Waxaa Goobjoog ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Xubno ka Socday Dowlad Gobaleedyada Dalka,Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xafiiska Siyaasadda ee AMISOM iyo Deeq Biyaasha Soomaaliya ka taageero Dhismaha Golaha Deegaanka iyo Dowlaha Hoose.

Waxaana Diiradda lagu Saarayay kulanka Sidoo loo dardargalin lahaa Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinkii Hore laaysku afgartay in Dhismahooda la hormariyo .

“Waa muhiim in si wadajir ah loo wadashaqeeyo si loo gaaro meesha aan hiigsaneyno”ayuu yiri wasiirka arimaha Gudaha

kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Masuuliyiinta Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS ay la qaadanayeen Hay’adaha iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada si loo dardargaliyo howlaha muhiimka ah ee horyaala Wasaaradda.