Qaar Kamid ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isgoysyadda Tarabuunka, Soobe,Banaadir, Howlwadaag iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada.

Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Sababta loo xiray ayaa lagu sheegay in maanta Kulan ay Muqdisho ku yeelan doonaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.