Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Boosaso ee Gobolka Bari ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga ayaa waxaa amaro kasoo saaray Madaxweynaha Puntland
Siciid Cabdulaahi Deni oo shalay safar ku tegay Boosaaso ayaa sheegay in ay jiraan dad caadeystay in dadka waxgalka u ah Bulshada inay maalin walba dilaan,waxaana uu sheegay in taaso aysan aqbaleyn.
Waxa uu sheegay in dadkii ka dambeeyey dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Boosaaso, sida Suldaan Bashiir Koonte ay tallaabo ka qaadi doonaan,isla markaana Boosaaso amnigeeda uu sidii hore kusoo celin doonaan.
Ciidamada Amniga Dowlad goboleedka Puntland ayuu ku amray inay qaadaan tallaabo la xiriira dhinaca amniga,isla markaana ay ka hortagaan dadka falalka amnidaro ka geysanaya Magalada Boosaaso.